Kadib dadaalo ay siwadajir ah u sameeyeen Xildhibaanada iyo Odayaasha dhaqanka Magaalada Buulo burde ee Gobolka Hiiraan ayey ugu dambeen ku guuleeysteen inay sii daayaan 8 kamid ah Ragii dhawaan Weeraray Saldhiga Booliska Degmada Buulo burde.
Xariga raggaas ayaa waxaa ka dhashay xiisad u dhaxeysay Maamulka & laamaha amniga degmada buulo-Burde & maleeshiyaad kasoo horjeeda xarigaas, waxana Odayaasha Dhaqanka ay sheegeen I nay weli xiran yihiin ilaa lix dhalinyaro ah.
Wasiiirka Kuxigeenka Beeraha Hir-Shabeelle Maxamed Bashiir Qaasim Daqare oo kamid ahaa dadkii wada-hadallada sameeyay ayaa u mahad celiyay cid kasta oo kaalin ka qaadatay siideynta dhalinyaradaas.
Maleeshiyaadka Macawsileyada iyo qaybo kamid ah Ciidanka Ilaalada Gudoomiyaha Degmada Buulo burde oo si Garabsanyo ayaa dhawaan weerar khasaara dhaliyay kuqadaay Saldhiga Booliska Degmada Buulo burde kadib Markii aay sheegeen inuu halkaas mid kamid ah Ciidankooda ku xiran yahay.



