Xubnaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha ayaa ka hadlay xaalada dalka, Dhalinyarada weli ku maqan dalka ereteriya, iyaga oo dalbaday in an xil dambe lagu aaminin madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Qoraal kasoo baxay Midowga Musharixiinta ayaa waxaa walaac looga muujiyay dhalinyarada ku maqan dalka Ereteriya, kuwaas oo la sheegay inay ka qeyb galeen dagaalkii ka dhacay Gobolka Tigreega ee dalka Itoobiya.
Sidoo kale waxaa ay sheegeen inay nasiib darro tahay in Madaxweyaha mudo xileedkiisa uu dhamaaday uu dhegaha ka fureystay cabashada Waalidiinta Carruurtooda uga maqan tahay Ereteriya.
Qoraalka kasoo baxay Midowga Musharixiinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in Guddiigii uu arrintaasi ku saaray Ra’iisul Wasaare Rooble ay noqdeen kuwo magic u yaal ah oo ay kujiraan dadkii mas’uulka ka ahaa maamulka iyo Siyaasada dhalinyarada la qaaday.
“Haddaba, intaas oo macluumaad ah oo isa soo taraya waxay keeni lahaydhaddii nidaami dowli iyo mid baarlamaani ah oo shaqeeynaaya ka jiri lahaayeen dalka in arrimahaas laga hadlo, xukuumadda iyo ciddii masuulka ka aheyd xulistooda la wareeysto oo laga sal gaaro marinhabaabinta lagu sameeyey dhalinyaradaas iyo waalidkooda oo loo ballan qaaday in loo diraayo dalka Qatar si ay ilaalo uga noqdaan ciyaaraha Adduunka ee halkaa ka dhici doona sannadka 2022,waxaan umaddda Soomaliyeed la qeybsaneenaa in dhacdadaan ay tahay mid aan la iska indha-tiri karin oo ay mas’uuliyadeeda dusha ka saran tahay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa lagu yiri” Qoraalka.
Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa ugu baaqay Madaxweynha muudo-xileedkiisu dhamaaday, haddana u hanqal taagaya muddo kale in lagu abaal-mariyo in uu garowsado in uu ku fashilmay xilkiisii oo uu ku takri falay ilaalinta Dastuurka Qaranka in uu i) iska casilo xilka uu hadda sida sharci-darrda ku joogo; iyo in umadda Soomaaliyeed ka hor-istaagto in uu u tartamo xilka mar kale; iyo in laga mamnuuco in uu mas’uuliyad heer qaran ah mar kale ka qabto dalka.




