Laacibkii hore ee Arsenal & Barcelona oo Caafimaad u maraya koox ka dhisan Jabuuti

Ciyaartoygii hore ee khadka dhexe uga ciyaari jiray xulka Qaranka Cameroon iyo kooxaha Arsenal iyo Barcelona, Alex Song ayaa ku guuleystay tijaabada caafimaadka ee uu marayay koox aan sidaas magaceeda loo sii aqoonin oo ka dhisan dalka Jabuuti.

Kooxdan oo lagu magacaabo Carta Solar 7, ayaa Song ku heshay si bilaash ah, kaddib markii uu koox la’aan ahaa tan iyo bishii March.

Song oo bartiisa Twitter-ka dhawaan ku shaaciyay tallaabadan lama filaanka ahayd ayaa soo qoray: “Waxaan heshiis labo sano ah u saxiixay kooxda Carta. Tani waa fursad aan ku hormarinayo kubadda cagta Jabuuti.”

33 jirkan ayaa laga dhowrayaa inuu xiiso weyn kusoo kordhiyo horyaalka waddanka Jabuuti.

Alex Song waxaa isaga iyo siddeed ciyaartooy oo kale laga eryay kooxda FC Sion, oo ka dhisan dalka Switzerland, kaddib markii ay ku gacan seyreen in mushaar dhimis lagu sameeyo, sababo la xiriira dhaqaale yaraanta ka dhalatay cudurka Covid-19.