Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/MG/083-586/112020, uu ku magacaabay guddi aasa meydka Ra’iisul Wasaarihii Wasaarihii ee Soomaaliya Cumar Carte Qaalib oo ku geeriyoodayMagaaladaHargeysa, kaas oo ka kooban siddeed xubnood.
Wareegtada Magacaabista Guddiga ayaa u dhigneyd sidatan.
Wareegto Madaxweyne
Ku: Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland
Ku: Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhiga
Ku: Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta
Ku: Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga
Ku: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka
Ku: Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta
Ku: Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex
Ku: Duqa Caasimadda Hargeysa
Ujeeddo: Magacaabid Guddi Aas Qaran
Mudanayaal,
Waxa magaalada Hargeysa ku geeriyooday Marxuum Cumar Carte Qaalib oo ahaa aqoonyahan weyn iyo siyaasi rug-caddaa ah, isla markaana Xilka Madaxweynenimo ee Somaliland kula loolamay Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal shir-weynihii Boorama 1993, sidoo kale xilal kala duwan oo uu ugu weyn yahay Xilka Ra’iisal Wasaare ka soo qabtay Soomaaliya.
Sidaa darteed, waxaan idiin magacaabay in aad noqotaan Guddiga Diyaarinta Aaska Qaran ee loo samaynayo Marxuum Cumar Carte Qaalib.




