Kumanaan Tahriibayaal ah oo la soo badbaadiyay

Liibiya-RisaalaFM- Tahriibayaal tiradooda lagu sheegay 5000 ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay waxaa laga soo badbaadiyay dhanka Koonfureed ee Bada Madeternianka.

Dadkan ayaa waxaa soo badbaadiyay qaar ka tirsan shaqaalaha Hay’adda Bisha Cas, waxaana ay u badan yihiin Haween iyo caruur, sida lagu arkay sawirro laga soo qaaday.

Sarkaal u hadlay Hay’adda Bisha Cas ayaa waxa uu sheegay hada in ay soo badbaadiyeen Tahriibayaal gaaraya 5000 oo Qof, labadii maalmood ee la soo dhaafay.

Bisha Cas iyo Hay’adaha kale ee soo badbaadiyay dadkan weli ma aysan shaacin dalalka ay u kala dhasheen dadkan, balse waxa ay ka soo jeedaan dalalka Geeska Afrika ku yaalla oo Soomaaliya ay qeyb ka tahay.

Muhaajriinta la soo badbaadiyay oo la soo gaarsiiyay Jasiirada Siishelis ayaa waxaa ku jirta Haweeney Soomaali ah oo maalmo ka hor ku dhex dhashay Doontii ay saarneyd oo ay ku Tahriibeysay.

Liibiyiinta dadka ku heysta goobaha ku yaalla gudaha Liibiya ayaa dhibaatoyin xun dadka u geysta oo xitaa mararka qaar dhacda in sida qofka ay u garaacayaan uu dhinto.

Hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa in muddo ah sheegayey in muhaajiriinta soo mara dalka Liibiya ay la kulmaan xadgudubyo baahsan oo ay u gaystaan dadka ka ganacsada masaafurinta.