Goolhayihii Paris Saint-Germain oo ku biiray koox ka dhisan dalka Talyaaniga

Goolhayihii kooxda Paris Saint-Germain ee Salvatore Sirigu ayaa si rasmi ah ugu biiray naadiga Torino ee dalka Talyaaniga, kaddib markii uu soo dhammaaday qadaraaskii uu kula jiray naadiga reer France.

Shabaq ilaaliyaha xulka qaranka Talyaaniga ee Salvatore Sirigu ayaa bedel u noqon doona goolhaye Joe Hart, kaasoo ka tagay Torino kaddib markii goolhayaha xulka England uu soo gabagabeeyey heshiis amaah ah oo uu kula joogay kooxdaas, isagoo dib ugu laaban doona kooxdiisa Manchester City.

30-sano jirkaan Salvatore Sirigu kaasoo 17 kulan u saftay xulka Azzurri ayaa dib ugu soo laaban doona shan sanadood kaddib horyaalka Serie A, kaddib markii uu ka tagay Palermo kuna biiray kooxda ka dhisan caasimadda Faransiiska.

Sirigu ayaa 190 kulan u ciyaaray PSG tartammada oo dhan, waxaana uu booskiisa safka hore ee kooxda ku waayey xilli ciyaareedkii hore gacmaha goolhaye Kevin Trapp oo laga doorbiday, isagoo inta badan xilli ciyaareedkii hore amaah kula joogay kooxaha reer Spain ee Sevilla iyo Osasuna.

Goolhaye Sirigu ayaa kula guuleystay kooxda PSG afar horyaalka Ligue 1, labo Coupes de France iyo saddex Coupes de la Ligue.