Madaxweynaha Real oo Qirtay Inuu ogyahay Sababta C.Ronaldo uu u xanaaqsan yahay

Tababaraha Kooxda Real Madrid  Florentino Perez ayaa aamisan in  Cristiano Ronaldo uu sii joogi doono kooxdiisa xataa hadii uu xidigan qaranka  Portugal uu xanaaqsan yahay.

Maxkamad ku taal Spain ayaa 32-jirkaan heerka Caalami kusoo eedeysay inuu masuq maasuqay Canshuur, taas oo xidigan ka careysiisay keentana inuu ku fakaro inuu ka tago kooxda Madrid.

Madaxweyne Perez ayaa shaaciyay in Ronlado uu xanaaqsan yahay maadaama kooxda aysan si xoogan ugarab istaagin, laakiin waxaa uu xaqiijiyay in xidigan uusan kooxda ka tagi doonin

“Waan ogahay in Cristiano uu xanaaqsan yahay, laakiin waxaa ay ila tahay wuu joogayaa,” Perez ayaa sidaas usheegay Idaacada  Spain ee (esRadio).

“Ilaa haatan lama aanan hadlin isaga, waxa kaliya ee sugayo ayaa ah dhamaadka Confederations [Cup].”ayuu hadalkiisa ku daray madaxweynaha Real.

Ronaldo ayaa haatan gudanaya waajibaadka qarankiisa ee tartanka Ruushka ka socda halkaas oo ay  arbacada manta ah la ciyaari doonaan qaranka Chile afar dhamaadka tartankaas.

“Waxaan la hadlay wakiilkiisa Mendes. Mana jiraan wax weyn oo laga wal walo”ayuu tilmaamay madaxweyne Perez oo dhanka kale sheegay iney taageerayaan C.Ronaldo si uu dacwadan uga hoos baxo.