Sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay waxaa baaqday kulankii lagu waday in Maanta Madaxweynaha Soomaaliya uu ku hortaggo labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababta uu kulankaasi u baaqday , waxaana wararka qaar ay sheegayaan in Madaxweyne Farmaajo uu ka laabtay go’aankii Kulankaasi.
Gudoonka Baarlamaanka ayaa sidoo kale la sheegay in kulankaasi uu codsaday in dib loo dhigo.
Suxufiyiinta ayaa lagu soo wargeliyay inuu baaqday kulanka maanta ee Madaxweynaha uu kolkii hore dalbaday, inkastoo illaa hadda aanan si faah faahsan loo ogeyn sababta rasmiga ah ee ka dambeysa in Madaxweynaha uu ka baaqsado kulankii isaga uu dalbaday ee Baarlamaanka labada Aqal.
Madaxweyne Farmaajo ayaa horay ugu dhawaaqay in maalinta sabtida ah uu dhici doono kulan wadajir ah oo ay isugu imanayaan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Wixii kusoo kordha kala soco Risaala.net



