Askar lagu laayay Masar

Inta la xaqiijiyay 14 ka tirsan booliiska dalka Masar ayaa ku dhintay isku dhacyo u dhaxeeya ciidamada ammaanka iyo koox Hubeysan oo la sheegay in ay ka tirsan yihiin Kooxda Daacish.

Dagaalka ayaa  bilowday ka dib markii booliiska ay u dhaceen xaafada Bahariya oasis,oo ku taalla maqaalada Qaahira ,halkaasi oo ay ku dhuumanayeen kooxdaan.

Dagaal Muddo socday ayaa dhexmaray ciidamada Booliska iyo sidoo kale Kooxda Hubeysan.

Wararka ayaa sheegaya in mintidiintani ay ka tirsan yihiin kooxda lagu magacaabo Hasm, oo horey weeraro ula bartilmaameedsaday ciidamada ammaanka.

Balse arrintani ku saabsan in ay yihiin kooxda Hasm wali lama xaqiijin.