Kulankii dhexmari lahaa Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta oo baaqday

Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ee dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday in la baajiyay Shirkii lagu waday in dhawaan ay ku yeeshaan Magaalada Nairobi Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta.

Wasaaradda ayaa ku dhaawaaqday sidoo kale la baajiyay shirkii saddex geesoodka ee 16ka bishan yeelan lahaayeen Madaxda Itoobiya Somalia iyo Kenya ayaa dib loo dhigay, isla markaana waqtiga cusub ee dhici doono dib laga soo sheegi doono.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu waday in uu maalinta berri ah uu ambabaxo Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya.

Wasiirka caafimaadka ee dalka Kenya, Mutahi Kagwe, ayaa goor shaaciyay in qof qaba xanuunka Corona laga helay dalkiisa.

Haweeneyda cudurka lagu arkay ayaa la sheegay inay ka timid Maraykanka, soona martay London.

Wasiirka ayaa sheegay in haweeneyda ay hadda xaaladeeda caafimaad wanaagsan tahay, laguna sii heyn doono cisbitaalka ilaa iyo inta ay ka caafimaadeyso.