Wasiiro dowladda ka socda oo ka qeybgalaya Shirkii uu ku baaqay Madaxweyne Deni

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise oo hoggaaninaya Wasiiro iyo Xildhibaano ka soo jeeda Puntland ayaa gaaray Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland.

Waxa ay ka qeyb galayaan  Shirka Wadatashiga Puntland ee furmaya 15-ka bishan.

Wafdiga ayaa ka jawaabay baaqii Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ee ahaa in dhamman Siyaasiyiinta kasoo jeedda degaanada Puntland ay kasoo qeyb galaan Shirka.

Wafdiggaan maanta Garowe ayaa horay ugu fashilmay in ay dhexdhexaadiyaan Madaxda maamulka Puntland iyo kuwa dowladda dhexe ee Soomaaliya oo uu ka dhaxeeyo Khilaaf xooggan.