Kulan looga hadlayay amniga oo ka dhacay Xudur

Xudur-RisaalaFM- Degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa waxaa ka dhacay kulan looga hadlayay arrimo fara badan oo quseeya degmada sida xoojinta ammaanka, dib u celinta dadka ku soo barakacay degmada, arrimaha Waxbarashada iyo Caafimaadka, iyo waxyaabo kale.

Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay maamulka gobolka Bakool, kan degmada, laamaha amniga, Odayaasha Dhaqanka, Dhalinyarada, Haweenka, waxaana kulanka uu ahaa mid Todobaadle ah.

Maxamed Macalin Axmed Guddoomiyaha degmada Xudur oo goobta ka hadlay ayaa shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Ciidamada ammaanka, si loo gaaro guulo hormar leh oo la taaban karo.

“Shacabka degmada Xudur, waa dad isku xiran, waxay diyaar u yihiin in ay la dagaalamaan cid walba oo wada amni daro, waxaa nalooga baahan yahay inaan ka wada shaqeyno hormarka degmada.” Ayuu yiri Guddoomiye Maxamed.

Maalmo ka hor ayaa Ciidamada ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Al-shabaab waxay ku dagaalameen meel aan ka baxsaneyn degmada Xudur, Saraakiisha ammaanka waxay sheegeen dagalkaasi in ay ku dileen xubno ka tirsan Shabaab.

Siid Cali Muuse Maxamed, Radio Risaala, Magaalada Baydhabo.