Kulamo ka dhan ah dowladda dhexe oo ka bilowday Garowe

Magaalada Garowe ee Caasimadda maamulka Puntland waxaa ka bilowday kulamo ay leeyihiin Xildhibaanada, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshadda, kuwaasoo looga horjeedo dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Kulamaddan ayaa waxaa hoggaaminaya Madaxweynihii hore ee Puntland Senetor Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo maanta Garowe kusoo dhaweeyay Xildhibaanada dowladda dhexe ee degaanada maamulka Puntland kasoo jeedda.

Xildhibaanada Garowe gaaray maanta waxa ay sheegeen in ay doonayaan in ay la tashaddaan bulshadda , maadaama dowladda dhexe ay ku fashilantay in ay keento Siyaasad lagu hoggaamin karo Bulshadda Soomaaliyeed.

Saacaddaha soo socda ayaa sidoo kale lagu waddaa Garowe in ay gaaraan Xildhibaano hor leh, waxaana waxyaabaha uga badan ee looga hadlaayo ka mid ah in ay tuhusan yihiin in Madaxweyne Farmaajo uu kasoo horjeeddo Hanaanka Faderaalka.