Kulamo gaar gaar ah oo ka socda gobolka Hiiraan

Hiiraan-RisaalaFM- Wararka saakay ka imaanaya magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in kulamo gaar gaar ah ay magaaladaasi ku yeelanayaan Duubabka Dhaqanka gobolka Hiiraan.

Todobaadkan gudihiisa magaalada Beledweyne waxaa kulan ku yeeshay xubno ka socday urur goboleedka IGAD iyo Waxgaradka Hiiraan, iyadoo kulankaas ay yeesheen aysan ka soo bixin natiijo la taaban karo.

Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa ku sugan xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya kuwaas oo halkaasi u gaaray sidii ay qeyb uga qaadan lahaayeen dhameystirka shirka maamul usameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Wafdi ka socda IGAD ayaa ayaa waxa ay tiro 3 jeer ah ay gaareen magaalada Beledweyne, iyagoo kulamadii ay la qaateen Waxgaradka Hiiraan uu natiijo la’aan ku soo dhamaaday.

Shalay ayay aheyd markii kulan ay magaalada Beledweyne ku yeesheen Waxgaradka Hiiraan ay ku sheegeen in dhowaan ay caleemo saari doonaan Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, sidoo kalena ay sameysan doonaan maamul ka madax banaan dowladda Soomaaliya.