Kooxo hubeysan ayaa dhaawac ugu geystay Magaalada Hobyo ee gobolka Mudug isku duwaha wasaarada Kaluumeysiga qeyraadka badda ee gobolka mudug sida ay Risaala u sheegeen dadka degaanka .
isku duwaha ayaa lagu magacaabaa Mahdi Maxamed Cismaan, waxaana la sheegay in ay baxsadeen kooxihii dhaawac u geystay.
Dhaawaciisa ayaa la gaarsiiyay Isbitaalka Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug.
Majiro Wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Galmudug oo ku aadan dhaawaca loo geystay Mahdi Maxamed Cismaan.


