Waqtiga ay dhaceyso doorashada Madaxtinimada Somaliland oo la shaaciyay

Xildhibaanada Golaha Guurtida maamulka Somaliland oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Hargeysa ayaa waxaa ay shaaciyeen Xilliga la qaban doono doorashada Madaxweynaha Maamulka Somaliland.

Xildhibaanada ayaa isku raacay in doorashada Madaxweynaha maamulka Somaliland in  ay dhacdo 13-12-2017.

Sidoo kale doorashada Xildhibaanada golaha degaanka ayaa la qaban doonaa Bisha Afraad.

Doorashada madaxtinimada maamulka Somaliland ayaa dhowr jeer dib u dhac ku yimid waana Markii ugu horeysay oo xildhibaanada  maamulka Somaliland ay ku dhawaaqaan xilliga ay dhaceyso doorashada Madaxweynaha.