Kooxda Todobaadka Ee Horyaalka Primer League Oo Lasoo Saaray

Kulamada todobaadkaan ee horyaalka Primer League ayaa lasoo gaba gabeeyey waxaana kooxda todobaadkaan ee Primer League lagu arkay xidigo iska heer dhexe , kuwa heer hoose iyo kuwa ku jira liiska hore.

Sidoo kale waxaa laga waayey shaxda todobaadka ee Primer League  ciyaaryahano badan kuwaasi oo ay kooxohooda ku tiirsanaayeen,waxaana xidigahaasi kamid ah qaar kamid ah kuwa Mancester United.

Paul Pogba & Zalatan ayaa lagu dhigay kulankii Manchester Derby taasi oo keentay in kudnaantooda lagala wareego ee kooxda todobaadka.

Laakiin waxaa kooxdaan kasooo muuqday ciyaaryahanka kooxda Manchester City Kieven De Bruyne kaasi oo bandhig wanaagsan ka sameeyey ciyaartii Mancehester Derby.

Hubanti In De Bruyne uu yahay ciyaaryahan ay ku tiirsantahay kooxda Manchester City ,waxaana laga yaabaa in xilli ciyaareedkaan loo dooorto laacibka ugu wanaagsan Primer league waa saadaasha fog.

Kooxaha Liverpool, Everton, Tottenhan, Arsenal ayaa dhamaantooda ciyaaryahano ku yeesheen shanxdaan.