Macalinkii hore ee kooxda Liverpool Brnden Rodgers ayaa waxaa uu ka hadlay tayada uu leeyahay Luis Suarez ka hor kulanka caawa Champions League ee dhexmaridoona Barcelona iyo kooxda Celtic.
Rodgers ayaa loo dhiibay shaqad Macalinimo ee kooxda Celtic ,waxaana Macalinkaan wax laga weydiiyey halista laga kulmikaro Suarez kaasi oo ay kasoo wada shaqeeyeen Liverpool.
Rodgers waxaa uu markale qiray awooda Luis Suarez ,waxaana uu aminsanyahay inuusan hada jirin dhaliye ka shar badan Suarez,waxaa uu kusii daray inay adagtahay in xidigaan la hor istaago maxaa yeelay ayuu yiri waa goolmagafe.
”Marka hore, markaan ka hadlo Suarez waa inaad ka hadlaa shaqsiyadiisa.
”Waa xidig mar waliba u baahan wax badan, guul jecel, waaa ciyaaryahan shaqsiyadeed, waa ciyaaryahan aan la hor istaagikarin, waa xidig shaqo, xusuusteeyda wax waliba ayuu isiiyey.


