DHAGESYO WAREYSI: Amaanka Muqdisho oo aad loo adkeeyay

Waxaa Saakay aad loo adkeeyay amaanka guud ee Magaalada Muqdisho oo maanta lagu wado in uu ka furmo Shir Madaxeedka Urur Goboleedka IGAD, tan iyo markiii ururkan la aasaasay 1986-kii.

Ciidamo dheeraad ah ayaa wadooyinka Magaalada muqdisho la soo dhoobay, gaar ahaan agagaarka Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho oo ah halka uu ka dhacayo shirka, waxaana si aad ah loo xoojiyay amaanka.

Ummada Islaamka ayaa maalintii labaad u dabaal degaya Farxada Munaasabada Ciidul Adxaa, iyadoo xirnaanshaha wadooyinka ay saameyn ku yeelatay shacabka ku nool Magaalada Muqdisho.

Wariyaha Risaala ka tirsan ee Rijaal Cabdi Maxamed oo ak mid ahaa dadka wadada ay ka xirantay oo Gurigiisa dib ugu laabtay ayaan arimahaasi ka wareysanay.