Waaxda difaaca ee Mareykanka ee Pentagon-ka waxa ay xaqiijisay in madixii dacaayadda ee Daacish Abu Maxamed Al-Adnani lagu dilay duqeyn.
Al-Adnani ayaa la sheegayaa inuu ku dhintay weerar ka dhacay dalka Suuriya, bishii aanu soo dhaafnay.
Afhayeen u hadlay Pentagon-ka waxa uu sheegay in duqeyn Mareykanka uu ku bartilmaameedsaday Al-Adnani ay guul ku dhammaatay.
Ururka la baxay Khilaafada Islaamka ee Daacish way qiratay in ninkaasi la dilay, laakiin Mareykanka iyo Ruushka ayaa kala sheeganaya dilka Al-Adnani.