Daaru-salaam-RisaalaFM- Kumanaan Dadweyne ah oo Munaasabadda Ciidul-Adxaa u Dabaal-dagayay, ayaa isugu tagay shalay Xaafadda Daaru-salaam ee Muqdisho, iyagoo ka qeyb qaadanayay Barnaamij abaalmarino lagu bixinayay kaas oo ay iska kaashadeen Bankiga Salaam Somali Bank iyo Idaacadda Risaala.
Wariyeyaal ka tirsan Idaacadda Risaala ayaa tagay xaafadaasi iyagoo halkaasi ku qabtay Barnaamijkan loogu tala galay Dabaal dega Ciidul Adxaa, waxaana dadkii ka soo qeyb galay oo su’aalaha la weydiiyay jaawabay la gudoonsiiyay Abaalmarino uu ugu tala galay Salaam Somali Bank.
Dabaal dega Ciidda ee Daaru-salaam, ayaa dadweynihii isugu tagay goobtaas waxay isugu hambalyeynayeen ciidda, iyadoo carruurta ay halkaas ka heleen agabyo kala duwan oo ay ku cayaaraa, waxaana goobta oo dhan laga dareemayay farxad aad u weyn.
Qaar ka mid ah Dadka reer Muqdisho oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in maalintii Labaad ay udabaal degaan Munaasabada Ciidul Adxaa, iyagoo sidoo kale Alle ka baryay in Ciidan Ciideeda kale Farxad iyo Barwaaqo uu Alle ku gaarsiiyo.
Munaasabadda Ciidul-Adxaa ayaa ka mid ah maalmaha ay dadka muslimiinta ah ku ciidaan Dunida oo dhan, kaddib gudashada Waajibaadka Diiniga ah ee Xajka oo Axadii ay malaayiin muslimiin ah u taagnaayeen buurta Carrafo.









