Chelsea ayaa lagu waramayaa in ay isu diyaarineyso in Juventus u bandhigaan farsmada qadkooda dhexe ee Hazard si ay ugu soo gacan gashataan daafaca ay ka baacsanayaan Juventus .
The Sun ayaa sheegeysa in tababare Conte uu haminayo in Hazard qeyb kaga dhigo hishiiska uu Juventus kaga doonayo daafaca cajiibka ah ee Leonardo Bonucci.
Macalinkaas hore Juve ayaan qarin xiisaha uu u qabo Leonardo Bonucci isla markaana uu dadaal u galayo sidii mar kale laacibkaas uga hoos ciyaari lahaa maamulkiisa
Chelsea ayaa la xusayaa in laacibkaas ay baacsanayeen illaa xagaagii iyadoo xittaa laga soo diiday qiimo gaarayay 50 milyan oo gini
Chelsea ayaa haatan diyaar u ah in hazard siiyaan Juve balse waxaa la ogsoon yahay in macalinka marwada duqoowday ay kaga dhagan tahay Fabregas
Arintaan ayaa imaaneysa xilli la xusayo in hazard go`aansaday in uu baxo haddii Chelsea xilli ciyaareedkaan u soo bixin tartanka Champion-ka oo ay xilli ciyaareedkaan ay ka maqan yihiin


