Xiddiga Chelsea Willian Oo Halyeey Arsenal Ah Ku Tilmaamay Inuu Yahay Geesigiisa Uu Ku Daydo

Xafiiltanka u dhaxeeya Chelsea iyo Arsenal ma ahan mid la mid ah marka uu Jose Mourinho weerar culus ku qaadeynin Arsene Wenger ka hor inta aysan farqaha isku dhegin.

Si kastaba, inkastoo Mourinho uu ka maqan yahay kursiga keydka Chelsea hadana taageerayaasha labada kooxood isma jecla.

Laakiin taasi kama aysan celinin Willian inuu halis geliyo carada taageerayaasha kooxdiisa isagoo halyeey Arsenal ah ku tilmaamay inuu yahay geesigiisa uu ku daydo.

Willian ayaa shaaca ka qaaday in halyeeyga Arsenal Thierry Henry inuu yahay geesigiisa uu ku daydo, islamarkaana uu wax ka bartay qaab ciyaareedka Henry si uu ugu darsado ciyaartiisa.

“Aniga ahaan Henry waxa uu Premier League ka ahaa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican” ayuu Willian ku yiri muuqaal lagu baahiyay website-ka rasmiga ah ee Premier League.

“Qaabka uu u ciyaaray, goolasha badan uu dhaliyay – goolal qurxoon ayay ahaayeen.”

Thierry Henry ayaa dhaliyay 175 gool oo Premier League intii uu u ciyaarayay Gunners, waana xiddiga shanaad ee ugu goolasha badan taariikhda horyaalka Ingariiska.

Alan Shearer ayaa weli ku hogaaminaya 260 gool laakiin Henry waa ninka ugu sareeya ee aan Ingariis aheyn ee ku jira liiskaas.