Kooxda Kubada Cagta ee Arsenal ayaa Diyaar U ah Soo xero Gelinta wiilka reer Croatia Ee Perisic Kasoo Ka Tagi Doona Kooxda Inter.
Ivan Perisic ayaa Xagaagi hore xiiso badan ka haystay Jose Mourinho Oo United hogaaminaaye xiligaas balse united waa ay ku qasaartay qaadashada Xidigaan.
Arsenal ayaa ah haatan kooxda ugu cadcad qaadashada Perisic.
Inter ayaa gabi ahaanba ka saartay liiska ciyaartooyda kooxdooda Perisic kasoo loo badinaayo in uu bixi doono Maalmaha yar ee ka harsan suuqa kala iibsiga.
Gunners ayaa Inter u Ban Dhigtay Qorshe ah in Ozile Iyo Perisic la Isku Badasho Balse maamulka Kooxda Inter Waxa Ay Doonayaan In Lacag Kaasha ah Ku Helaan Xidigaan.
Sido kale Arsenal ayaa waxay Inter ka Codsatay In Marka hore Lix Bilood amaah ah Lagu Siiyo Xidigaan kadibna ay 45-Milyan Ku Iibsadaan Xidigaan.



