Alvaro Morata oo Ka gudbay tijaabada Caafimaad ee Kooxda Atletico Madrid

Ciyaariyahanka xulka Qaranka Spain Alavaro Morata ayaa Haatan Ka Gudbay Tijaabada Caafimaad ee Kooxdiisa Cusub Atletico Madrid.

Chelsea ayaa Atletico Kula Hishiisay 18-Bilood oo amaah kadibna in ay Dib Ka Iibsadaan Xidigaan.

Morata ayaa Xalay soo Gaaray Caasimada Spain ee Madrid si uu dhamestiro Ku Biiritaanka Kooxda Atletico Madrid.

Saacadaha Soo Aadan ayaa lagu dhawaaqi doonaa saxiixa Morata Inkistoo Haatan Sawiro Muujinaayo in uu caafimaadka maray ay soo bandhigeen kooxda Atletico Madrid.