Koox hubeysan oo Askari ku dilay Magaalada Boosaaso

Warraka Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso Magaalada Boosaaso ee maamulka Puntland ayaa tibaaxaya in mid kamid ah ciidamada maamulkaasi ay caawa kooxo hubeysan ay ku dileyn bartamaha magaaladaasi.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka, Dableyda ayaa risaas ku furay askariga, taasi oo sababtay dhimashada askariga, waxaana goobta laga qaaday askariga geeriyooday meydkiisa.

Dableyda dilka geysatay ayaa durbadiiba isaga baxsaday goobta ay dilka ka geysteen.

Ciidamada ammaanka oo goobta uu dilka ka dhacay gaaray ayaa waxa ay bilaabeyn howlgal lagu baadi goobayo kooxda dilka geysatay, mana jirto cid lagu soo qabtay howgalkaasi.