Kolonyo ay la socdeen AMISOM oo Bajaaj ku jiiray Isgoyska Banaadir

Muqdisho-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Isgoyska Banaadir ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in kolonyo ay la socdeen Ciidanka AMISOM in ay halkaasi ku jiireen Mooto Bajaaj uu watay Muwaadin Soomaaliyeed.

Dad Goobjoogayaal ah ayaa Idaacadda Risaala u sheegay in Ciidankii AMISOM ee falkan geystay in ay qabteen oo gacanta ay ku dhigeen Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo halkaasi ka akdhowaa.

Ciidanka amaanka ayaa waxa ay soo gaareen goobta uu ka dhacay falkan waxaana ay halkaasi ka bilaabeen baaritaano ku aadan sida u falkan u dhacay, iyadoo mudo saacado ah uu hakad galay isku socodka Gaadiidka.

Inta la xaqiijiyay 2 Qof ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen shilkan ay geysteen Ciidanka AMISOM, waxaana Ciidanka AMISOM inta badan lagu eedeeyaa in aysan u turan shacabka xilliga ay marayaan Wadooyinka.