Faah faahin Dil Caawa ka dhacay Degmada Waaberi

Muqdisho-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Degmada Waaberi gaar ahaan Agagaarka Suuqa Beerta ayaa waxa ay sheegayaan in kooxo hubeysan ay Caawa halkaasi ku dileen Fanaanka Cabdi Maxamuud Safaari oo ka tirsanaa kooxda Onkod.

Fanaanka Cabdi Maxamuud Safaari oo ka tirsanaa kooxda Onkod ayaa la sheegay xilliga la dilayay in uu ka soo baxay Masjid oo uu ku soo tukaday salaada Maqrib.

Labo Dhalinyaro oo Bistoolado ku hubeysan ayaa la sheegay in ay Dilkiisa ka dambeeyeen, waxaana dilka ka dib ay ka baxsaden goobta.

Maamulka Degmada iyo Ciidanka amaanka ayaa waxa ay gaareen goobta uu ka dhacay dilka, iyagoo halkaasi ka bilaabay baaritaano ku aadan sida uu dilka u dhacay.