DEG DEG: Dil ka Caawa ka dhacay Muqdisho

Muqdisho-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Caawa Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in kooxo hubeysan Degmadaasi ay ku dileen Korneel C/laahi Sabriye Cabdulle oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Labo Dhalinyaro oo Bistoolado ku hubeysan ayaa la sheegay in ay Dilkiisa ka dambeeyeen, waxaana dilka ka dib ay ka baxsaden goobta, sida ay Risaala u sheegeen Dad goobjoogayaal ah.

Maamulka Degmada iyo Ciidanka Amaanka ayaa waxa ay gaareen goobta uu ka dhacay dilka, iyagoo halkaasi ka bilaabay baaritaano ku aadan sida uu dilka u dhacay.

Dilka Degmada Hodan Caawa loogu geystay Korneel C/laahi Sabriye Cabdulle oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli maanta Degmadaasi Qarax ismiidaamin ah lagula eegtay General Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaale) oo ahaa Taliyahii Guutada 3-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.