Kismaayo oo lagu dhisay gole ay ku mideysanyihiin dowlad goboleedyada

War saxaafadeedkii kasoo baxay Maanta Madaxda maamul goboleedyada, waxaa ka mid ahaa in ay dhiseen Gole ay ku mideysan yihiin maamulada dalka ka jira.

Golaha Dowlada Goboleedyada, waxaa guddoomiye loo doortay madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, halka ku xigeenkiisa loo doortay madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Waxa ay sheegeen in Golahaasi ay ka shaqeyn doonaan horumarinta danaha maamul goboleedyadda.

Shirka Kismaayo ayaa sidoo kale qodobadii kasoo baxay intooda badan ay ku wajahnaadeen dowladda.

Dowladda federaalka ayaanan shirkan kasoo qeybgalin, mana jirto wax hadal ah oo ay wali kasoo saartay.

Shirka Kismaayo ayaa yimid kadib markii dowladda federaalka iyo dolwad goboleedyada ay isku khilaafeen, islamarkaasna la kala safteen muranka dublamaasiyadeed ee ka dhaxeeya dalalka carabta.

Dowladda Soomaaliya ayaa mowqif dhexdhexaad ah ka qaadatay khilaafka carabta, halka 3 maamul goboleed ay taageereen xulufada Sucuudiga.