Khudbado laga dhageystay Musharaxiinta u taagan xilka M/weynaha Hirshabeelle

Jowhar-RisaalaFM- Waxaa goor dhow soo gaba gabowday Munaasabad khudbadaha looga dhageysanayay Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hirshabeelle.

Munaasabadan waxaa ka qeyb galay Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka C/raxmaan Maxamed xuseen (Odowaa), Urur Goboleedka IGAD, Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle, Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle, kan Gobolka iyo Mas’uuliyiin kale.

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle ayaa dhageystay khudbadaha ay jeediyeen Musharaxiinta u tartamaya Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hirshabeelle, waxaana laga dhageystay wax qabadkooda iyo wax yaabaha ay qaban doonaan.

Maxamed Cabdi Waare, Cali C/laahi Cosoble iyo Cali Maxamed Caraale ayaa u taagan qabashada xilka Madaxtinimo ee Maamulka Hirshabeelle, halka sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Maamulkaas ay u sharaxan yihiin Labo musharax, kuwaas oo kala ah Cali Guudlaawe iyo Cali Xasan Taakow.

Maalinta berri ah ayaa lagu wadaa in Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe lagu doorto Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hirshabeelle.