Shabaab oo sheegtay in ay Dagaal kula wareegeen Deegaanka Muuri

Sh/Hoose-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Deegaanka Muuri oo ku yaalla Duleedka Magaalada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan Dagaal khasaare geystay in caawa uu ka dhacay halkaasi.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay weerar ku soo qaadeen fariisin Ciidanka Dowladda Federaalka ay ku lahaayeen Deegaanka Muuri, sida ay Risaala u sheegeen Dadka Deegaanka.

Wariyaha Risaala ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa soo sheegaya Dagaalkan in uu geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac, inkastoo aan la xaqiijin karin tirada rasmiga ah.

Al-shabab war ay ku soo qoreen Baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegteen in Deegaanka Muuri ay Dagaal kula wareegeen, inkastoo saraakiisha Ciidanka Dowladda ee Gobolka Shabeelaha Hoose aysan weli arintaasi.