Jowhar-RisaalaFM- Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa caawa ka bilaabatay Dhageysiga khudbadaha ay jeedinayaan Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Maamulka cusub ee Hirshabeelle.
Munaasabadan waxaa ka qeyb galaya Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, Urur Goboleedka IGAD, Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle, kan Gobolka iyo xubno kale.
Maxamed Cabdi Waare, Cali C/laahi Cosoble iyo Cali Maxamed Caraale ayaa u taagan qabashada xilka Madaxtinimo ee Maamulka Hirshabeelle, halka sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Maamulkaas ay u sharaxan yihiin Labo musharax, kuwaas oo kala ah Cali Guudlaawe iyo Cali Xasan Taakow.
Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle ayaa dhageysanaya khudbadaha ay jeedinayaan Musharaxiinta u tartamaya Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hirshabeelle.



