Waxaa hadda si rasmi ah uga bilaabatay Xarunta golaha Shacabka ee Muqdisho khudbadaha ay jeedinayaan Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo sidoo kale ku xigeenadiisa.
Ilaa 22-Musharax ayaa u taagan Sadexda xil guddoon baarlamaanka.
11-ka iyo 12-ka Bishaan ayaa waxaa lagu wadaa inay dhacdo Doorashada guddoonka baarlamaanka ee Soomaaliya.


