Jabuuti oo taageero musharaxnimada Midowga Afrika ka dalbatay Itoobiya

Dowladda Jabuuti ayaa ka codsatay taageero dowladda Itoobiya si ay ugu guuleysato gudoomiye kuxigeenka Midowga Afrika .

Wasiirka Arrimaha Dibadda  Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa codsigaan u gudbiyay Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Itoobiya  Demeke Mekonen.

ka dib kulan saacado badan qaatay oo ay wada yeesheen  Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti iyo Ra’iisulwasaare  xigeenka ayaa xukuumadda Jabuuti waxa ay sheegtay in ay  taageero badan ka rabto Itoobiya si ay u hesho xilkaasi.

Dowladda Jabuuti ayaa doonaysa in ay noqoto gudoomiyaha ku xigeenka Ururka Midowga Afrika .

Waxaana ay soo bandhigtay labo Musharax oo u kala tartami doona xilalka Gudoomiyaha Arimaha siyaasada ee Midowga Afrika iyo gudoomiye ku xigeenka Midowga Afrika.

Mid ka mid ah xilalkaasi waxaa u tartamaya Wasiirka Arimaha dibada ee dowladda Jabuuti Maxamed Cali Yuusuf.

Doorashada gudoomiyaha Midowga Afrika ayaa waxaa ka jira loolan adag .