Garasbaaley-RisaalaFM- Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa shil Gaari oo geystay khasaare dhaawac ah, kaasi oo ka dhacay Degaanka Garasbaaleey ee Duleedka Magaalada Muqdisho.
Shilkan ayaa yimid kadib markii Gaari Soomaalida ay u taqaano BL- ama Hoomey uu ku dhacay Gaari nuuca raaxada ah, waxaana Labada Gaari ay ku socdeen xawaare sare, sida ay inoo sheegeen Dadka Degaanka.
Inta la xaqiijiyay shilkan ayaa waxaa ku dhaawacantay Saddex Qof, iyadoo aysan jirin wax dhimasho ah, sida ay sheegeen saraakiisha Caafimaadka oo goobta uu shilka ka dhacay gaaray.
Dadkii ku dhaawacmay shilkan oo mid ka mid ah aheyd Haweeney ayaa waxaa loo qaaday Isbitaal, si xaaladooda caafimaad wax looga qabto, maadaama dhaawac culus uu soo gaaray.


