Gaalkacyo-RisaalaFM- Guddiga Gurmadka Abaaraha Maamulka Puntland ayaa waxa ay ka hadleen Abaaraha xilligan ka jira Puntland, taasi oo ay sheegeen in ay sii kordhayaan, saameyna ay ku yeesheen Dadka iyo Duunyada.
Guddiga Gurmadka Abaaraha Maamulka Puntland ayaa waxa ay qeylo dhaan xoogan ka soo saareen Abaaraha ka jira Puntland, waxaana ay qeylo dhaan sare u direen Madaxda Soomaalida iyo kuwa Maamulka Puntland.
Shaqraan Maxamuud Xaaji Nuur oo ah Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka Abaaraha Maamulka Puntland ayaa sheegay Abaartan in ay tahay mid mudo dheer soo jiitameysay, taasi oo iminka ka jirta Gobolada Puntland.
Sidoo kale Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka Abaaraha Maamulka Puntland Shaqraan Maxamuud Xaaji Nuur ayaa sheegay in ay kormeer ku tageen Degaano ka tirsan Puntland, halkaasi oo ay ka jirto xaalad adag oo dhanka Abaaraha ah.
Warbixinta Warkan waxaa Magaalada Gaalkacyo inooga soo diray Wariyaha Risaala ee Degaanada Puntland Maxamed Cali Siyaad.


