DHAGEYSO: Gar gaar la gaarsiiyay Sh/Hoose

Sh/Hoose-RisaalaFM- Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa ay hadleen Deeq Raashiin ah oo markii ugu horeysay ay gaarsiiyeen dadka ay Abaaraha ku saameeyeen Gobolka Shabeelaha Hoose oo uu ka taliyo Maamulka Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka Abaaraha Maamulka koonfur Galbeed ahna Wasiirka Xanaanada iyo Xoolaha Madoobe Nuunow Maxamed oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Deeqdan qeybinaya ayaa sheegay in ay gar gaar gaarsiin doonaan Degmooyinka Marko, Qoryooley, Wanlaweyn, Afgooye, Baraawe iyo Degmooyin kale.

Wuxuu sheegay hada in ay gar gaarka ka bilaabeen Degmada Marko, sidoo kalena Guddiga ay wadaan qorshayaal kale oo gar gaar lagu gaarsiinayo Dadka ay Abaaruhu ku saameeyeen Koonfur Galbeed.

Dhanka kale Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Aadan Najax oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay Gurmadkan in ay mudo sugayeen, Isagoo sidoo kale sheegay inta yar ee hada loo hada loo keenay in aysan shacabka ku filneyn, balse shacabka looga baahan yahay in ay is garab sadaan.

Abaaraha ka jira Dalka ayaa waxa ay yihiin ku aad u daran, oo saameeyay dadka iyo duunyada ku dhaqan Gobolada Dalka, waxaana Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada ay wadaan dadaalo dadkan lagu badbaadinayo.