DHAGEYSO: K/Galbeed iyo QM oo ka wada hadlay Abaaraha

Baydhabo-RisaalaFM- Ku simaha Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Ahna Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maamulka koonfur Galbeed Maxamed Xasan Fiqi ayaa sheegay Hay’adaha Deeq bixiyeyaasha Caalamka oo gaaray Magaalada Baydhabo in ay ka hadleen arrimaha Abaaraha.

Waxa uu sheegay xubanahan ka socday Hay’adaha QM in ay kala hadleen macluusha Abaaraha ah ee ka jirta Degaanada Koonfur Galbeed, wuxuuna sheegay in ay isla afgarteen sidii wax looga qaban lahaa.

Sidoo kale Maxamed Xasan Fiqi Ku simaha Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Ahna Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay xubnahan in ay geyn doonaan Degaanada qaar ee ay xaaladaha Abaaraha saameeyeen, si ay u arkaan dhibaatada halkaasi taala.

Abaaraha ka jira Dalka ayaa waxa ay yihiin ku aad u daran, oo saameeyay dadka iyo duunyada ku dhaqan Gobolada Dalka, waxaana Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada ay wadaan dadaalo dadkan lagu badbaadinayo.