DHAGEYSO: R/wasaaraha oo ka hadlay Abaaraha

Muqdisho-RisaalaFM- Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo ka hadlayay heerka ay la egtahay Abaarta ku dhufatay Dalka iyo sida looga samata bixin karo bulshada Soomaaliyeed ee ay Abaarta saameysay ayaa sheegay shacabka iyo Dowladda in looga baahan in ay iska kaashadaan sidii wax loogu qaban lahaa dadkaasi.

Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay maalmaha soo aadan Dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa shacabkeeda in la bilaabi doono gurmad deg deg ah oo lagu caawinayo dadka ay saameysay Abaarta.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa ka codsaday Madaxda, Xildhibaanada Baarlamaanka, Ganacsatada, Culumaa’udiinka, Dhalinyarada, Haweenka iyo cid walba oo wax heysata in ay caawiyaan walaalahooda dhibaateysan.

Meelo badan oo ka mid ah Soomaaliya ayaa waxaa laga soo warinayaa in dadka ay u geeriyoonayaan Abaarta ka jirta darteed, taasi oo ay jirto in aanay helin gurmad ku filan, waxaana Hay’adaha gar gaarka ay ka digayaan fidista Abaarahan.