Beledweyne-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Degaanka Burjada ceynta oo qiyaastii 5-KM dhanka Galbeed kaga beegan Magalaada Baladweyne ee xaruunta Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay Qarax khasaare geystay.
Qaraxan oo nuuciisu ahaa Miino ayaa waxaa lagu Aasay goob ay Maleeshiyaad hubeysan Gaadiidka uga qaadan jireen lacago baad ah, sida ay Risaala u sheegeen Dadka Degaanka.
Inta la xaqiijiyay Qaraxan ayaa waxaa ku dhimatay Labo ka mid ah Maleeshiyadii Isbaarada u tiilay halka Labo kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen saraakiisha Caafimaadka.
Goobta uu Qaraxa ka dhacay ayaa waxaa si joogto ah loogu dhacaa Gaadiidka halkaasi ku safra, oo ay ka mid yihiin kuwa Muqdisho ka baxa.


