Malaaq Xasan Buulle oo Muqdisho lagu Aasay

Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa maanta Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Malaaq Xasan Buulle oo kamid ahaa dadkii ku dhaawacmay Weerarkii Ururka Al-Shabaab ay ku qaadeen Hoteelka Dayax Arbacadii ina dhaaftay, isla maanta ayaa lagu Aasay Qabuuraha Isbitaalka Madiina ee Muqdisho.

Aaska Marxuumka ayaa waxaa ka qeyb galay Xildhibaano Koonfur Galbeed ah, Ehelada Marxuumka, Odayaal, Waxgarad iyo xubno kale.

Dadkii ka soo qeyb galay Aaska ayaa waxa ay Marxuumka Alle uga baryeen in uu geliyo Janatul Fardowso, waxaana Malaaqa uu ka mid ahaa dadkii dhaawacyada culus uu ka soo gaaray weerarkaasi.

Mas’uulyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa ay Risaala u sheegeen in malaaqa mudooyinkanba laga deyrinayay xaaladihiisa caafimaad oo dhaawac culus uu ka soo gaaray weerarka.

Waxa uu ku sugnaa gudaha Hoteelka markii la weeraray wuxuuna ka mid ahaa dadkii wax ku noqday Qarixii 1-aad ee Shabaab ku weerareen Hoteelka ka hor inta aysan isku dayin iney gudaha u galaan.

Nabadoonka ayaa kamid ahaa Odayaasha 135-ta ee soo xushay Ergadii soo dooratay Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Malaaqa ayaa waxa uu dadaal badan horay ugu soo galay sdiii loo nabadeyn lahaa degaanada Koonfur Galbeed oo dagaalo Qabaa’il ay ka dhaceen.

Masuuliyiinta Koonfur Galbeed ayaa ka tacsiyeeyay geerdiiisa waxeyna sheegeen inuu ka mid ahaa dadkii cadawga uu salfaday ee ku baxay gacantooda.

Malaaq Xasan Buulle ayaa noqonaya Nabadoonkii 3aad ee ku geeriyooda Hoteelka Dayax oo Shabaab ay ku dileen dad ka badan 30 Qof.