Sh/Dhexe-RisaalaFM- Wabiga Shabeelle oo ah Wabiga Labaad ee ugu dheer Dalka Soomaaliya ayaa guray markii Labaad mudo ka yar sanad, iyadoo kumanaan ruux ay saameen ku yeelatay biyo la’aanta Wabiga Shabeelle.
Biyo la’aanta Wabiga Shabeelle ayaa waxa ay dhibaato ku tahay kumanaan Qoys oo ku nool hareeraha Wabiga Shabeelle, kuwaas oo noloshooda ay ku xirneyd Biyaha Wabiga.
Dadka ay saameeyeen Biyo la’aanta Wabiga ayaa inta badan waxa ay degan yihiin tuulooyin hoosyimaada Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe, sida Risaala ay u sheegeen Dadka Degaanka.
Mascuud Xaaji C/laahi (Ciid) oo ka mid ah Dadka Degaanka oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa waxa uu inooga warbixiyay sida ay saameynta ugu yeelatay Wabiga guray.


