Khasaare ka Dhashay Dab xalay ka kacay qaybo la mid ah Suuqa Bakaaraha

Faah faahino ayaa ka soo baxata Khasaaraha ka dhashay Dab ayaa Xalay  ka kacay Dhismo  ku yaalla Bakaaraha ee magaalada Muqdisho .

Dabkan oo aan la ogeyn waxa dhaliyay ayaa ka kacay Dhismo  ganacsi ayaa ku yaalla qeybta khudaarta ee Suuqa Bakaaraha .

Daminta  Dabka xalau ka kacay suuqa Bakaaraha ayaa waxaa ka qayb qaatay Gaadiidka Dab demiska oo halkaas gaaray markiiba dhismaha dabku qabsaday taas oo keentay in markiiba lagu guuleysto deminta dabkaas .

Suuqa bakaaraha oo ah suuqa ugu weyn magaalada Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya ayaa gubtay dhowr jeer ka dib markii uu dab  ka kacay kuwaasoo geystay khasaare  maaliyadeed oo aad u tiro badan .