Madaxweynaha Jubland oo qaabilay wafdi dhexdhexaadiyayaal ah oo ka socda Kenya

Qoraal xalay  lagu qoray barta Madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu sheegay inuu Madaxweynaha maamulkaasi Axmed Maxamed Islaam uu Magaalada Kismaayo  ku qaabilay wafdi dhexdhexaadiyayaal ah oo ka socoday Dowladda Kenya, isla markaana uu Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ka codsaday inay ka shaqeeyaan sidii xal loogu heli lahaa khilaafka u dhexeeya Jubaland iyo DFS
Wafdiga ayaa waxaa hogaaminayay Xoghayihii hore ee fulinta IGAD, Amb. Maxbuub Macalin, Ergeygii hore ee IGAD u qaabilsanaa Soomaaliya Maxamed Cabdi Afeey iyo senatorkii hore ee ismaamulka Wajeer Cabdiraxmaan Colow.