Khasaaraha ka dhashay weerarkii Mandera oo kordhay

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ay xalay Shabaab ku qaadeen degmada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Inta la xaqiijiyay 12 Qof ayaa ku dhimatay halka ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 25 qof  weerarka ay Al-Shabaab ka geysteen magaalada Mandera ee Gobolka Waqooyi Bari ee Dalka Kenya.

Taliyaha Ciidanka Booliska Mandera  ayaa  warbaahinta u sheegay  in weerarka uu ka dhacay Hotel lagu magacaabo Bishaaro oo ku yaalla degmada Mandera.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in dadka ku dhintay weerarka ay u badan yihiin dad booqasho ku yimid degmada Mandera , islamarkaana u jeedadoodo ay aheyd in ay ka qeyb galaan imtixaanka shihaadada dugsiga sare.

Dadka dhintay ayuu sheegay in 10 ka mid ah ay ahaayeen dad u dashay gobolada kale ee dalka Kenya, laakiin asal ahaan aysan kasoo jeedin degmada Mandera.

Ciidanka ammaanka dalka Kenya ayaa saaka Mandera ka wadda howgallo xoogan oo ay ku baadigoobayaan kooxihii ka dambeeyay weerarka xalay lagu qaaday degmada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore weerar noocan ah ku soo qaaday degmada Mandera, tan iyo markii ciidamada dalka Kenya ay soo galeen xadka Soomaaliya sanadkii 2011.