Ururka Al-Shabaab ayaa faahfaahin ka bixiyay weerar ay xalay ku qaadeen degmada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.
Al-Shabaab ayaa sheegay in cutubyo ka tirsan ciidankooda ay xalay gudaha u galeen degmada Mandera ee gobolka ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.
Al-Shabaab war ay ku daabaceen baraha taageera waxa ay ku sheegeen in ay dileen dad badan oo Masiixiyiin ah kuwaa soo ku sugnaa degmada Mandera.
Weerarka lagu qaaday Mandera ayaa shabaab waxa ay sheegeen in uu ahaa mid si weyn loo soo qorsheeyay.
Inta la xaqiijiyay 4 Qof ayaa ku dhimatay tiro intaa ka badana way ku dhaawacmeen weerar ay Al-Shabaab ka geysteen magaalada Mandera ee Gobolka Waqooyi Bari ee Dalka Kenya.
Taliyaha Ciidanka Booliska Mandera Job Boronjo ayaa saaka aroortii hore u sheegay wargeyska Daily Nation ee dalka Kenya in ay xalay kusoo rogeen magaalada Bandow ka dib Qaraxyo iyo sidoo kale rasaaas laga maqlay xaafado Ka mid ah degmada Mandera.
Ciidanka ammaanka dalka Kenya ayaa saaka Mandera ka wadda howgallo xoogan oo ay ku baadigoobayaan kooxihii ka dambeeyay weerarka xalay lagu qaaday degmada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.
Al-Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore weerar noocan ah ku soo qaaday degmada Mandera, tan iyo markii ciidamada dalka Kenya ay soo galeen xadka Soomaaliya sanadkii 2011.


