Khadiijo Maxamed oo ku guuleysatay Doorashada Aqalka hoose ee Hirshabeelle

Khadiijo Maxamed Diiriye  ayaa ku  guuleysatay in  ay ka mid noqoto xildhibaanada baarlamaanka dowladda Soomaaliya ee ka imaanaya deganada maamulka Hirshabeelle.

Khadiijo Maxamed Diiriye, ayaa la tartamaysay Maxamed Maxamuud Xayle  waxaana la sheegay in Xayle uu tanaasulay.

Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa heshay Codadka Ergo gaaraysa 51 Ergo, taasi oo muujinaysa in ay xaqiijisay Xubinimada Kursiga Baarlamaanka ee Beesheeda.

Doorashada Xubnaha Aqalka hoose ayaa ka socota Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeelle

Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa xilal kala duwan ka soo qabatay Dowladihii soo maray dalka.