Dagaal Ka Socda Magaalada Caabudwaaq

Wararka naga soo gaaraya magaalada Caabudwaaq ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka socdo dagaal u dhaxeeya maleeshiyo beeleed.

Dagaalkan ayaa la sheegay in uu salka ku hayo Aanooyin qabiil, waxaana la Dagaalka uu socdaa mudo ku dhow saacad.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii maleeshiyo beeleed ay weerar kusoo qaadeen goob u dhaw suuqa xoolaha magaalada Caabudwaaq oo ay ku sugnaayeen maleeshiyo beeleed kale.

Magaalada Caabudwaaq ayaa bilihii lasoo dhaafay waxaa ka dhacaayay dilal ku salaysan anoooyin qabiil.