Kenya-RisaalaFM- Dowladda Kenya waxay wadaa qorsho ay dib ugu soo celinayso qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan Xeryaha qaxootiga ee dalka Kenya.
Waxaa gudaha xeryaha qaxootiga ka socda isqorista iyo sidoo kale diyaar garowga qaxootiga Soomaaliyeed ee doonaya in ay dalkood kusoo laabtaan.
Hey’adda UNHCR ayaa sheegtay in qorsha dib u celinta qaxootiga ay rasmi ah u bilowday shalay ,islamarkaana dowladda Kenya iyo Hey’adda UNHCR ay diyaar u yihiin in ay ka wada shaqeeyaan qaxootiga Soomaaliyeed in ay dalkood ku tagaan si nabdoon.
Hey’adda UNHCR ayaa sheegtay in qaxootiga la soo gaarsiiyay Dhoobleey ay u diyaarisay gaadiid halkaasi ka sii qaada geeyana meela ay dalbadaan in la geeyo.
Dhankale dowladda Kenya ayaa sheegtay in aysan jirin wax qasab ah oo ku aadan dib u celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalka kenya.
Sarkaal oo ka tirsan Hey’adda UNHCR ayaa warbaahinta u sheegay in markii ugu horreysay ay dowladda Kenya bilowday in qaxootigaasi ay ku soo celiso dalkooda Soomaaliya, isagoo intaa ku daray in qaxootigaasi ay si iskood ah u go’aansadeen in ay dib ugu laabtaan dalkooda.


